DHAGEYSO:Weerarkii Muqdisho oo la soo afjaray iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray howlgal ay ka sameeyeen huteelka Elite ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay muddo saacado ah ka dagaalamayeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab.
Xubnaha Al-Shabaab ayaa saacidihii ay gudaha ugu jireen hoteelka ku dilay in ka badan 10 qof oo isugu jira mas’uuliyin iyo Shacab,waxaana jira dad kale oo weerarkaasi ku dhaawacmay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in weerarka huteelka Elite ay ku geeriyoodeen 16 Ruux oo 11 kamid ah ay yihiin mas’uuliyiin & Shacab halka 5 kale ay yihiin Xubnihii weerarka geystay ee Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 13 Ruux oo uu kamid yahay qof aad u da’yar,isla markaana Ciidamada dowladda ay xalay howlgalkaasi soo afjareen.

Masuuliyiinta ku geeriyootay weerarka Huteelka Elite ayaa waxaa kamid ah Cabdirisaaq Cabdi, Agaasimihii Xiriirka Warbaahinta Maamul goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya, Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washinton, Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Qaranka iyo Fanaanad lagu magacaabo Faaisa Beella sida ay warbahainta gudaha Soomaaliya sheegtay.
Dhanka kale Masuuliyiin uu ka mid yahay kusimaha duqa Caasimadda ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii iyo weerarkii lala beegsaday Huteel Elite ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Maamulka xarumaha caafimaadka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha xaaladda dhaawacyada iyagoo sheegay inay heleen adeeg fiican si wanaagsanna loola tacaalay,
Kusimaha duqa caasimadda ayaa Alle uga baryey intii weerarka ku dhimatay Inuu u naxariisto inta dhaawacana uu u booga dhayo.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saaka ku sugan Xeebta liido, kuwaasoo sugaya amniga goobtii uu weerarka ka dhacay.
Dhanka dhakale afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Adan Cali ayaa isna faahfaahin ka bixiyay sida uu weerarku uu u dhacay iyo inay ciidanku soo afmeereen weerarkaasi.
Sidoo kale guddoomiye Tuulax ayaa asna u tacsiyadeeyay umadda Soomalaiyeed wuxuuna bogaadiyay howshii ciidanku halkaas ka fuliyeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here