DHAGEYSO:Wiil da’yar Soomaali ah oo qalabka neefsashada ku sameeyay gudaha Muqdisho

Maxamed Cadaawe oo ah Wiil dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa wuxuu gudaha Magaalada Muqdisho ku sameeya Mishinka Neefta caawiya wuxuuna ku wareejiyay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ah meesha ay dowlada Soomaaliya u astaysay dadka qaba cudurka Corona in lagula tacaalo.
Wiilkaan yare e Agabkaan Sameeyay ayaa sheegay inuu si dhab ah uga qayb qaadanayaan la dagaalanka cudurka ee uu dalka Soomaaliyeed ku jiro.

Dhaqtar C/risaaq Yusuf Axmed oo ah madaxa Maaraynta dhacdooyinka cudurka Covid 19 ayaa gudoomay qalabkaan wuxuna sheegay inuu yahay mid la isku halayn karo sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay inankaan yar hal abuurka muhiimka ah la yimid xili aad loogu baahnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here