DHAGEYSO:Wiil lagu toogtay deegaanka Kapedo ee Turkana

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kapedo ee ismaamulka Turkana ayaa sheegaya in burcad ay halkaas ku toogatay ugu dambeyn dhintay wiil 14 sano jir ahaa.
Waxaa uu sidoo kale dhaawac soo gaaray wiil kale.
Dhacdadan ayaa imaanaysa saacado un kaddib markii la soo gabagabeeyay kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Turkana.
Burcadda ayay wararku sheegayaan inay sidoo kale la baxsadeen 11 neef oo geel ah.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabadda ku dadalaan .
Sidoo kale shakhsiyaadka haysta hubka sharci darrada ah ayuu ku booriyay in ay dowladda ku soo wareejiyaan ka hor inta aan tallaabo sharciyeed laga qaadin.

Turkana waxay ka mid tahay ismaamullada ay inta badan saameeyaan  weerarrada burcadda  gaysata dhaca xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here