DHAGEYSO:”William Ruto: Hadii xitaa walaalka Raila IEBC guddoomiye looga dhigo dib uma laabanaya”

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta isku soo bax ku qabtay ismaamulka Embu ayaa sheegay in aan loo baahneyn in lagu mashquulo wax ka beddelka dastuurka iyo arrimaha BBI balse la doonayo in mudnaanta koowaad la siiyo xallinta dhibaatooyinka haysta shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xitaa hadii isbeddel lagu sameeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC oo guddoomiye looga dhigo Oburu Odinga oo ay Raila Odinga walaalo yihiin inuusan marnaba dib uga laaban doonin hiigsigiisa ku aaddan in 2022-ka uu noqdo madaxweynaha dalka.
William Ruto ayaa sheegay inuusan wax dhib ah ku qabin in la beddelo saraakiisha IEBC hasa ahaate cid kasta oo loolanka madaxtinimo galaysa uu ku boorinaya inay diyaar garowdo oo ayna natiijada soo baxdo oggolaato.

Hadalka Ruto ayaa yimid kaddib markii baarlamaanka dalka uu ansaxiyay isbeddel lagu sameeyay sharciga ku saabsan guddiga doorashooyinka .
Isbeddelkan ayaa guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC siinaya ilaa 4 kuraas ee guddiga ka kooban 7-da xubnood ee soo magacaabaya saraakiisha sar sare ee IEBC.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here