DHAGEYSO:William Ruto oo ka digay in la dedejiyo dhaqangelinta warbixinta BBI

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa soo saaray digniin ku aaddan dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu ku baaqay in cid kasta fursad loo siiyo sidii ay aragtideeda ugu biirin lahayd warbixintii la soo bandhigay 26-kii bishii hore.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay maadaama ay jiraan kooxo badan oo sheegaya in aan danahooda la tixgelin, la joogo xilligii afkaarta hor leh la diiwaangelin lahaa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo fariin gaar ah u diray siyaasiyiinta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in lagu heshiiyo qodobada warbixinta ee lagu kala aragti duwan yahay si aan shacabka kala qaybsanaan loogu horseedin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here