DHAGEYSO:William Ruto oo ka qeyb galay aaska Kenei

Madaxweyne Ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta ka soo qeyb galay aaska sarkaal ka shaqaynayay xafiiskiisa ee Harambe Annex ee magaaladatan Nairobi
Madaxweyne kuxigeenka oo ay wehliyaan siyaasiyiin xulafadiisa ah ayaa boqday qoyska Kenei Iyaga oo ku boqday qoyskiisa tuulada Chemasis ee deegaanka Rongai ee ismaamulka Nakuru
Mr kuxigeenka ayaa tacsiyaday qoyska oo u sarkaalka ka baxay asagoona dhanka kale sheegay in uu garab taaganyahay qoyska oo uu murugada la qeybsanayo.
Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay inuu ka xun yahay geerida ku timid sarkaalkaasi.
Shalay ayey ahayd markii oo u ugu baaqay saraakiisha booliska inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambeesay dilkii sarkaal sare oo ka hawl gali jiray xafiiskiisa
Waa in runta la helaa sababta , qaabka iyo cida dishay Mr. Kenei”, ayuu bartiisa rasmiga ee twitarka ku soo qoray Mr. Ruto.
Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay barasaabka ismaamulka Machakos Alfred Mutua.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here