DHAGEYSO:William Ruto oo laga dalbaday in isaga iyo Uhuru ay isku mar siyaasadda ka fariistaan

William Ruto oo laga dalbaday in isaga iyo Uhuru ay isku mar siyaasadda ka fariistaan
Hoggaamiyaha xisbiga Ford Kenya ahna senetarka ismaamulka Bungoma ,Moses Wetangula ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu soo afjaro qorshihiisa ku aaddan qabashada hoggaanka dalka sannadka 2022-ka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Uhuru iyo Ruto laga doonayo inaynan dalka sii hoggaamin 10 sano kaddib.
Mr. Wetangula ayaa sido kale sheegay inuu ka hor doorashada guud ee xigta uu soo dhisi doono isbeheysi siyaasadeed oo xooggan.

 

Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu si buuxda u taageerayo dadaalada dalka uu ku yeelanayo ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan oo awood leh.
Mr. Musyoka ayaa xusay in waxyaabaha xal u noqon karo natiijada doorashooyinka guud ee la isku qabsado ay ka mid tahay in dowladda ay si rasmi ah u aqoonsato oo uu xil qabto musharaxa madaxweyne ee loolanka looga adkaado.
Musyoka ayaa intaasi ku daray inaynan wax faaiido lahayn garab mucaarad oo laga tirsanaado sidaas awgeed isagoo u daneynaya bulshada uu ka soo jeedo uu taageeri doono go’aanka uu madaxweyne Uhuru qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here