DHAGEYSO:William Ruto oo rajo ka muujiyay in wax laga beddeli doono warbixinta BBI

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay hadda muuqato rajo la xiriirta tixgelinta aragtida shacabka iyo mas’uuliyiinta siyaabaha kala duwan uga falceliyay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Arrintan ayuu shaaca kaga qaaday qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in jawaabta uu madaxa xisbiga ODM ,Raila Odinga ka bixiyay tabashooyinka siyaasiyiinta xoolo dhaqatada ay tahay mid muujinayso in qodobbada qaar dib loo eegi doono.
Dareenka Ruto mid la mid ah waxaa muujiyay senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen oo ay aad isugu dhowyihiin.
Murkomen ayaa sheegay in la joogo xilligii wax laga beddeli lahaa warbixinta si ay u wada qancaan kooxaha kala duwan ee dhaliilsan.
Shalay ayay ahayd markii Mr. Odinga uu sheegay in madaxda xoolo dhaqatada dalka ay soo jeediyeen qodobbo aasaasi u ah nolosha dadka ay matalaan sidaas awgeedna tixgelin u baahan.
Kulankii Raila iyo siyaasiyiintan dhexmaray ayaa waxaa ka soo baxay in la soo magacaabo saddex qof oo shir la qaadanaya guddiga farsamada ee BBI.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in guddoomiyaasha ku shiraya magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ay diiradda saarayaan qodobbo kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here