DHAGEYSO:William Ruto oo shacabka ugu baaqay inay si fiirsasho leh u akhriyaan warbixinta BBI

Madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Kakamega dadweynaha ku booriyay inay si taxaddar leh u akhriyaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu shacabka u sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay warbixinta fahmaan ka hor inta aysan taageerin ama ka soo horjeedsan.
William Ruto ayaa sidoo kale hoggaamiyaasha siyaasadeed kula taliyay in doodaha ay yeelanayaan ee ku saabsan arrimaha BBI aysan shacabka ku kala qaybin.
Dr. Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeddellada dastuuriga la doonayo in dhammaan Kenyaanka laga qayb geliyo oo aysan isleheysiin dad dhowr ah.

Hadalka William Ruto ayaa ku soo aadaya iyadoo berri si rasmi ah loo soo bandhigaya warbixinta guddiga BBI ee uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji .
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay howlgal ay ciidamada ammaanka horay uga fuliyeen Kakamega oo ay ku kala eryeen ka soo qayb galayaasha xaflad lagu waday in lacag lagu uruuriyo isagoo sheegay in saraakiisha ammaanka laga doonayo inay ilaaliyaan xuquuqda diimeed ee ka jirta wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here