DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay inay khasab tahay in shacabka laga qayb geliyo isbeddelka dastuurka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in ay Khasab tahay in dhammaan shacabka laga qayb geliyo isbeddellada lagu sameynayo dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu xusay in ay si gaar ah ugu ololeynayaan awood siinta haweenka iyo dhallinyarada.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ku nuuxnuuxsaday in arrimaha BBI aysan wax faa’iido ah lahayn hadii aan lagu tixgelin danaha shacabka iyo wanaajinta noloshooda.
Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka ayuu Ruto ku eedeyay inay doonayaan in la qabto afti wax looga beddelayo dastuurka iyadoo sida uu hadalka u dhigay aan lagu wada heshiin.

Xilli uu ku sugnaa deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka dhanka kale sheegay inay jiraan saraakiil qorsheynaya sidii ay ku lunsan lahayeen lacagaha dadweynaha iyagoo qandaraasyo adeegsanaya.
Waxaa William Ruto mowqifkiisa taageeray madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen oo labaduba sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga wada hadlo qodobbada la beddelaya.

Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka ahna guddoomiyaha xisbiga ODM, John Mbadi ayaa dhankiisa sheegaya in aan loo baahneyn dib u eegis lagu sameeyo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here