DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay inuusan cidna ka raali gelin doonin lacagaha uu kaniisadaha ku bixiyo

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay inuusan marnaba raaligelin ka bixin doonin lacagaha uu ugu deeqo kaniisadaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu sii wadaya tageerada uu u fidiyo goobahan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu sannadka 2022-ka la wareego hoggaanka dalka.

Hadalkan ayuu jeediyay maanta isagoo ku sugan xaafadda Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa marar badan William Ruto ka dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo halka uu ka keeno lacagaha joogtada ah ee uu siiyo kaniisadaha .
Mr. Odinga oo ku sugan ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa dhankiisa sheegay in rabitaanka shacabka aan la iibsan Karin.

Barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho oo Raila halkaas ku soo dhaweeyay ayaa carrabka ku dhuftay in shacabka gobolka xeebta ay u codeynayaan oo keliya musharaxa madaxweyne ee ay taageerayaan siyaasiyiinta xeebta laga soo doortay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here