DHAGEYSO:William Ruto oo soo dhaweeyay kordhinta muddo xileedka guddiga BBI

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageersan ayaa soo dhaweeyay in dhawaan la kordhiyya mudada uu shaqeynayo guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ruto iyo xulafadiisa siyaasadeed ayaa hoosta ka xarriiqay in warbixinta BBI ay tahay mid ay kenyaanka u riyaaqeen.
Hasa ahaate waxay ka digeen in geedisocodka arrinkan ku aaddan loo adeegsado dano siyaasadeed.

Khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House lagu sheegay in hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu muddo kordhin u sameeyay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Mr. Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Mr. Raila Odinga ay xubnaha guddigan la kulmeen.
Waxay labaduba mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji uga mahadceliyeen inay soo saareen warbixin lagu xusay waxyaabaha ay shacabka daneynayaan.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib markii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore ay kulan taariikhi ahaa yeesheen Uhuru iyo Raila taasoo meesha ka saartay isqabqabsigii siyaasadeed ee xilligaas jiray.
Waxaa loo xil saaray inay tagaan 47-da ismaamul ee wadanka si ay u soo aruuriyaan aragtida Kenyaanka ee ku aaddan ilaa sagaal qodob oo ay ka mid yihiin xal u helidda musuqmaasuqa, mideynta shacabka iyo sida looga gudbi karo doorashada madaxtinimo ee natiijada ka soo baxdo lagu kala qeybsamo.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa wadanka ka jirtay hadal hayn siyaasadeed oo ku aaddan qaabka loo dhaqangelinayo warbixinta guddigan uu soo saaray ee 27-kii bishii hore lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee Nairobi.
Waxaa jiray dareen ah in marba haddii warbixintii laga sugayay ay Kenyaanka la wadaageen in ay dhammaatay howshii loo igmaday.
Balse Mr. Kenyatta iyo Mr. Odinga ayaa xubnaha guddiga BBI ku wargeliyay inay hormuud ka noqdaan wajiga xiga ee geedisocodka hadda jira.
Waxaa guddiga BBI looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo sidii shacabka ay aragtidooda uga dhiiban lahayeen waxyaabaha lagu soo jeediyay warbixinta sida inuu dalka lahaado ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan iyo haddii ay jiraan isbeddelo ay doonayaan in lagu sameeyo
Qoraalka ku saabsan muddo kordhintan guddiga BBI ayaa waxaa ku saxiixan afhayeenka madaxtooyada dalka Mrs. Kanze Dena Mararo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here