DHAGEYSO:William Ruto:Cid kasta waa inay ka hadasho kulamada BBI

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in isku soo baxyada lagu qabtay ismaamullada Kisii , Kakamega iyo Mombasa dano siyaasadeed loo adeegsanayay.
Wuxuu carrabka ku dhuftay inaynan suurtagal ahayn inay jiraan shakhsiyaad doonaya in kulan kasta oo la qabto ay ka hadlaan.
Ruto oo maalmo ka hor sheegay inuu taageerayo BBI balse uu diiddan yahay siyaasadeynteeda ayaa sheegay inay qasab tahay in qof kasta fursad loo siiyo inuu dareenkiisa muujiyo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa dowlad deegaanka Trans Nzoia ayaa tilmaamay in aragtiyada kala gedisan oo la isugu dulqaato ay qeyb ka tahay qaangaarka dimuqaraadiyadeed ee dalka

Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka galbeedka dalka oo maalmo ka hor loo diiday inay isku soo bax ku qabtaan Mumias ayaa loo oggolaaday waxayna dowladda dhexe ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatooyinka gobolkaas sida sare u qaadidda wax soo saarka dhanka sonkorta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here