DHAGEYSO:Xaaji Buullow oo doonaya in meesha laga saaro xilalka wakiillada haweenka

Waxaa weli dalka ka taagan hadal haynta la xiriirta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Qodobbada warbixinta lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in isbeddel la sameeyo si bulsho kasta oo wadanka ku nool ay u dareento in dowladda ay ka dhex muuqato ama lagu matalo.
Waxaa tani ka dhashay dareen ay muujinayaan qaar ka mid ah dadweynaha oo ah in xilal dheeraad oo la soo kordhiyo ay xaaladda ka sii dhigaysa mid cakiran.
Duqii hore ee magaalada Mandera, Maxamad Kaahiye Cismaan oo ku magacdheer Xaaji Buullow ayaa sheegay inuu taageerayo warbixinta BBI balse uu ku talinaya intaan la dhaqangelin ka hor inay jirto tixgelin dhanka farsamada ah.
Xaaji Buullow ayaa qabo in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka , senetarrada aqalka sare sido kalena meesha laga saaro xilalka ku xigeennada barasaabyada ismaamullada iyo wakiillada haweenka.
Sido kale waxaa uu ku talinayaa in marka la sameynayo deegaannada hoose ee loo yaqaano Wards in lagu saleeyo tirada shacabka halkaas ku nool .

Dhanka kale waxaa uu ku baaqay in la soo afjaro hadal haynta siyaasadeed ee xooggan ee dalka ka jirta oo diiradda la saaro xasiloonida iyo ka shaqeynta danaha shacabka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , ku xigeenkiisa William Ruto iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga ayuu ku boorriyay inay wada shaqeeyaan.
Sido kale waxaa uu Xaaji Buullow soo jeedinaya in isbeddelada la sameynayo ay qeyb ka noqoto inuu jiro ra’iisul wasaare awood leh iyo madaxweyne soo magacaabi karo ku xigeenkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here