DHAGEYSO:Xaalada Beledweyne oo aad looga dayrinayo.

Waxay wali Xaalad adag ka taagantahay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Shabeellaha.
Xaafado ka mid ah Magaalada ayaa Guryaha waxaa ka sara maray Biyo, waxaana dadka Magaaladu ay sheegeen inay wajahayaan xiligii ugu xumaa ee Beledweyne soo mara.
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah Guddiga Gurmadka Beledweyne ayaa gaaray Magaaladda, waxaana ay qiimeynayaan Xaaladda guud ee magaalada.
Weli waxaa Magaalada Baladweyne laga baadi goobayaa dadkii ay doonta kula qalibantay qaar ka mid ah halka kuwa kalena maydadkooda la helay.
Guddiga loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ayaa sheegay inay heleen ilaa Shan ruux oo Afar kamid ah ay iyagu soo saareen halka midka kale dadweynaha Baladweyne qaarkood ay soo heleen Maydkiisa.
11 Ruux ayaa horay loo xaqiijiyey in Nolol iyo Geeri lagu la’yahay,waxaana la soo helay 5 kamid ah, iyada oo weli la la’yahay 6 kale, meydadka la helay waxaa kamid ah Guddoomiyihii Dhalinyarada Degmada Shibis Guuleed Ibraahim,Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne, Naaquudihii doonida rogmatay oo lagu Magacaabi jiray Muscab Xuseen muuto iyo Deeqow Abdi Cariif Agaasimihii waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne.
Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga shabeelle sigaar ah doontii la qalibantay dad ay mas’uuliyiin ku jireen.
Waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle ay dhamaan saameeysay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baladweyne,isla markaana dhibaatada hada jirtaa ay tahay mid aad u culus ooo Taariikhda caadig ah 50kii Sanaba hal mar la arki jiray halka ay gobolka Hiiraan Sanadkii labaad oo xiriir ah ay ka dahcayso
Madaxweyne Waare wuxuu xusay inay Xiligaan u yaallaan shaqooyin culus oo dhowr qaybood ah, ayna ugu horayso baadi-goobka dadka Wabiga ku maqan, dad go’doon ku jira oo badbaadin u baahan iyo gurmad bani’aadanimo oo guud ahaan bulshada la gaadhsiinayo.
Dhamaan deeq bixiyaasha,dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaada Wabiga Shabeelle eek u sugan gobolka hiiraan haba ugu darnaato Magaalada beledweyne.

Qaar ka mid ah Magaalooyinka Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay qorshaha u gurmashadda Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Fatahaado ay ku dhufteen.
Gudoomiyaha Degmada Cadaado Abdullahi Abdirahman (Tootoole) ayaa ku dhawaaqey Gurmad deg-deg ah oo bulshada Cadaado ay u sameeyaan Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Magaalada Beledweyne.
Magaalooyin ka mid ah maamulka Puntland Sidda Magaalada Garowe ayaa waxaa ka bilowday qorshe dhaqaalle looga aruurinaayo Shacabka dhibaatada ay soo wajahday.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale Ganacsatadda iyo dhalinyaradda ay waddaan abaabul ay ku caawinayaan Shacabka Beledweyne.
Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa haatan ah mid aan wanaagsaneyn,waxaana jiray dadaalo ay wadaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo ku aadan in dadka ay waxyeelen fatahaadaha loo gurmado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here