DHAGEYSO:Xaaladda Mandera oo sidii caadiga ahayd ku soo noqotay kaddib iskudhacyo saameeyay

Waxaa xaalad degganaansho oo dhanka ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha laga dareemaya magaalada Mandera oo maalmo ka hor ay saameyn ka soo gaartay iskudhacyadii laga soo tabiyay dhanka degmada Beledxaawo ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Juubaland.
Waxaa dib u furmay goobaha ganacsiga iyo dugsiyada halka shaqaalaha dowlad deegaankaas ay xafiisyada dib ugu laabteen si ay shacabka ugu adeegaan.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Mandera oo idaacadda Star FM la hadlay ayaa sheegay in qoysaskii guriyahooda ka barakacay ay hadda dib ugu soo laabteen magaalada.

Shalay ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibrahim Roba uu shaqaalaha ka howlgalo waaxyaha kala duwan ee dowlad deegaankaas uu ku amray inay maanta xafiisyada iska xaadiriyaan maadaama aysan jirin cabsidii maalmo ka hor la dareemayay.
Guddoomiyaha Mandera ayaa go’aanka howlwadeenada ismaamulka dib loogu yeeray u aaneeyay wada hadallo u dhaxeya Kenya iyo Soomaaliya oo horseeday in la dejiyo xasaradii taagneyd.
Cali Roba ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan jirin weerar kale oo dhacay wixii ka dambeeyay 2-dii bishan saddexaad .
Barasaabka ayaa dhanka kale amar ku bixiyay in laga billaabo maanta dabagal lagu sameeyo adeegyada laga fidiyo waaxyaha kala duwan iyo saraakiisha ka howlgalo.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku ammaanay wada hadallada uu furay ee kala dhexeya dhigiisa soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here