DHAGEYSO:Xaasaska Askartii Geeriyootay ee Soomaaliya oo banaanbax ka dhigay madaxtooyada Horteeda

Qaar ka mid ah Xasaska Askartii ku geeriyootay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta banaanbax ka dhigay Iridda Xarunta Madaxtooyadda Qaranka.
Waxaay sheegeen in 15-kii bilood ee lasoo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah ama xaquuqdii ay la haayeen askartii Geeriyootay ayagoo qarankooda difaacaya.
Sidoo kale waxay tilmaameen in dhammaan Xafiisyada dowlada aysan ka helin wax Jawaab ah, ayagoo Madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday inay xaqooda helaan.
Xaasaska Askarta geeriyootay waxay sheegeen in guryihii ay deganaayeen laga saaray, sidoo kalena hadda aysan heysan wax ay raashin ku iibsadaan.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayay ugu baaqeen inay ka jawaabaan Cabashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here