DHAGEYSO:Xabad-joojin la isla gartay in ay ka dhaqangasho Xananbuure

Maamulka caasimadda Galmudug ayaa maalmahaan ku hawlanaa kulamada uu la yeelanayey bulshada ka soo kala jeeda beelo bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayey deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Dad isugu jira ganacsato iyo waxgaradka beelahan oo qaarkood meelo ka baxsan deegaanka uga yimid in la soo afjaro colaadda ayaa ku kulmay Xananbuure iyadoo la kala qaaday maleeshiyadii iska soo horjeeday.
Madaxa warfaafinta maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad ayaa wariyaha idaacadda Star fm ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud uga waramay wada hadalkii laga yeeshay colaadda beelaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here