DHAGEYSO:Xarumha Caafimaad iyo saldhigyo Boolis oo laga furay deegaano shabaab lagala wareegay

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Xariga ka Jaray isbiaalka Iyo Saldhiga Ciidanka Booliska Degaanka Sabiid ee gobolka shabeelada hoose.
Deegaanada Sabiid iyo caanoole oo isku aag ku yaala ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sanadkii hore waxay kala wareegeen dagaalameyaasha AL-Shabaab oo mudo 10 sano ka badan gacanta ku hayay wuxuuna Maamulka gobolka iyo saraakiisha amaanka oo iskaashanaya bilaabeen inay dadka deegaanka u soo nooleeyeen xarumihiim muhiimka u ahaa nolosha bulshada halkaas ku nool sida MCH-Ka iyo saldhiga ciidanka Booliska.
Gudoomiyaha gobolka shabeelada Hoose Ibraahim Adan Cali Najax oo xarumahaan xaraga ka jaray ayaa sidoo kale sheegay in deegaankaas dhawaan laga hirgalin doono iskuul caruurta halkaas ku nool ay ka helaan waxbarasho bilaash ah oo dowlada Soomaaliya ay kafaale qaadayso.
Gudoomiye Najax ayaa bogaadiyay howlgalada is daba jooga ah ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka wadana gobolka shabeelada Hoose wuxuuna dhanka kale sheegay inaysan wax maslaxad ah shacabka deegaanadaas aysan shabaabku u hayan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here