DHAGEYSO:Xarunta digniinaha hore ee Halis wadareedka Soomaaliya oo la daahfuray

Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guulled ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee la socoshada iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya, taasoo hoos tagta Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya.
Xaruntaan aya u xil saaran inay digniino Joogta ah ka bixiso Qataraha la filan karo inay ku soo foodleeyihiin dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa la xiriira isbadalada Cimilada, waxayna ka kooban tahay ilaa afar Qaybood oo midkasta ay shaqo Gooni ah qaban doonto.
Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin waxay ka bixiyeen waxyaabaha ay qaban doonto xaruntaan cusub.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guulled Qadar ayaa bogaadiyay hirgalinta Xaruntaan wuxuuna dhanka kale sheegay inay dowlada Soomaaliyeed iyo shacabkeedaba guul u tahay hirgalinta xarunta la socodka digniinaha ee xili hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here