DHAGEYSO:Xarunta maamulka Jannaale oo la dhagax dhigay

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Koonfurta Soomaaliya Ibraahim Aadan Najax ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta maamulka deegaanka Janaale.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Janaale,kan degmada Marka,Maamulka gobolka Shabeellada hoose,Saraakiisha Ciidanka Qalabka sida ee gobolkaas ku sugan iyo qaybaha bulshada ayaa ka qayb galay dhagax dhiga Xarunta uu maamulka deegaanka Janaale ugu shaqaynayo bulshada halkaas ku nool.
Guddoomiyaha degmada marka iyo guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose oo halkaas warbaahinta kula hadlay ayaa waxay sheegeen muhiimada ay Xaruntaan bulshada u leedahay maadaama ay Janaale ka mid tahay deegaanada istiraatiijiga ah ee gobolka shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here