DHAGEYSO:Xasan Sheikh oo eedaymo u jeediyay agaasimaha hay’adda NISA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag su’aalo lagu weydiinayay ayaa eedaymo u jeediyay Taliyaha Hay’ada Nabadsugida & Sidroonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo ku sheegay inuu yahay Milkiilaha dowladda sida uu hadalkiisa u dhigay.
Xasan sheikh waxaa uu Tilmaamay in fahad Yaasiin uu markii hore la wareegay Madaxtooyada, dhibaato uu ka sameeyay, sidoo kalena Ciidamada Nabadsugida, Booliska & Hay’addaha kale ee dowladda uu dhamaantood wada dumiyay sida uu ku eedeeyay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda waxaa uu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha ee aad u dhaliilsan dowladda Dhexe waxaana uu ku eedeeyaa inaysan Bulshada wax u qaban, sidoo kalena ay doonayaan inay faramaroojistaan doorashooyinka.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomalaiya waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo ay leeyihiin xubnaha mucaaradka ee Musharixiinta Madaxweynaha, kulamadaas oo ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka & Gudiyada dorashooyinka ee dhawaan la Magacaabay
Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intooda badan ay musharixiinta uga doodeen Gudiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda Nabadusgida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug ee kala ah, Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow ay la kulmeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), iyagoo gudbiyay cabashadooda Guddiga doorashada ee Galmudug oo la sheegay inay ku jiraan xubno Nabadsugida ka tirsan.
Dhinaca kale musharixiinta kasoo jeeda Hir-Shabeelle ee kala ah, Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin ayaa waxaa la filayaa inay xiriir la sameeyaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyagoo u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddigaas oo ay sheegeen inay ku jiran Shaqaale ka tirsan Dowladda & Xubno kamid ah Hay’ada NISA.
Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee gaaraya 12 Xubnood oo Maanta Maalintii labaad Guda galaya Shirka u dhaxeeya ayaa waxaay xooga saari doonaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa Guddiyada doorashooyinka Maamulaya oo ay Magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed maadaama Xubno gudiyadaas ka mid ah ay dhaliilsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here