DHAGEYSO:Xassan Cali Khayre oo aqbalay Xilka qaadistii lagu Sameeyay

Xasan Cali Kheyre Ra,iisul Wasaarihii Soomaaliya ayaa aqbalay xilka qaadis ay Shalay Xukuumaddiisa ku sameeyeen Baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo Xalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ee Caasimadaayaa Caddeeyay inuu baneeyay xilka Madaxa Xukuumada una mahadcelinaayo Xukuumaddii uu la shaqeeyay Muddo Saddex sano iyo dhowr bilood ah,Madaxweynihii xilkaan u magacaabay iyo Shacabkii Soomaaliyeed ee mudadaas garab istaaga iyo la shaqaynta u muujiyay.
Xassan Cali Khayre ayaa Hoosta ka xariiqay in isagoo og in wixii shalay ka dhacay golaha shacabka aysan sharciga iyo xeerarka dalka waafaqsanayn uu hadana go’aansaday inuu ka dago Kursigiisa isagoo u turaya shacabka Soomaaliyeed.
Ra’isulwasaaraha ayaa ka digay in mudo kororsi uu dalka ka dhaco maadaama ay qalqal siyaasadeed iyo mid amni abuurayso aysana ahayn wax Soomaaliya xamili karto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu Shalay kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre.
Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Xusay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Khayre halka 8 xildhibaan ay diideen.
Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka ha dashay tallaabada Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii kaga qaadeen wasiirkii Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre,oo shalay si deg deg ah ay Xildhibaannada kalsoonida ugala laabteen.
War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid sii kordhineysa xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay wiiqeyso hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka. , iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.
Waxaa sidoo kale Mareykanka uu sheegay in Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada lagu dhisi karo keliya iskaashi, isu dubarid, iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaalida dhexdooda ah.
Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha, iyo daneeyayaasha ugu baaqday inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda,isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan inay walaac ka muujinayaan qaabka xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadana Xassan Cali Kheyre oo Warbaahinta la hadlay uu aqbalay xilka qaadistaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here