DHAGEYSO:Xassan Sh Maxamuud oo sheegay in Qadiyada bada Soomaaliya ay tagan tahay halkii uu 4 sano ka hor uga tagay

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Jara’id Maanta ku qabtay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay Go’aankii Maxkamadda ICJ dib u dhigtay kiiska dacwadda Badda Soomaaliya.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Afar Sano kadib ay weli meesheedii taagan tahay kiiska badda,isla markaana tiro Saddex jeer ah dib loo dhigay si kasta haku timaadee.
Waxaa uu sheegay in Go’aanka dib u dhigista ay imaan karto oo kali ah markii ay heshiis ku yihiin labada dal,balse in markale muddo dib loo dhigo aysan ula muuqan arin sax ah.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Go’aanka Dacwadda Badda dib loogu dhigay ay dowladda Soomaaliya ogolaatay sida uu hadalkiisa u dhigay ,hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed wax kale u sheegeen.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegaymadaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud in dacwadda Badda ay hogaaminayeen Qareeno Caalami ah oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay Muno Sharmaa isla markaana meesha laga saaray balse dowladdu aysan sheegin dadkii lagu bedelay qareenadaas.

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya

Maxkamadda ACJ ayaa go’aamisay in dacwadda Badda la qaado 15-19 Bisha Maarso ee Sanadka 2021,waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar waliba dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota ee Juun, Balse dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here