DHAGEYSO:Xassan Sheikh oo ka digay Khilaaf laga Dhex abuuro Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in Madaxda Sare ee dalka Soomaaliya ay khilaaf ka dhex abuuraan Xildhibaannada Aqalka Sare oo haatan ku howlan arimo ay ka mid yihiin xal ka gaarida khilaafka hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo arimaha doorashooyinka qaranka.
Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh inay horay u soo arkeen faragelin lagu sameyn Golaha Xeer dejina Soomaaliya ee baarlamaanka,iyadoo looga faa’iideysanayo xaaladaha Jira sida uu hadalkisa u dhigay wuxuuna Madaxda dalka Soomaaliya ugu baaqay inaysan wadanka gelinkhilaaf siyaasadeed maadaama aan xiligiisa la joogin.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare ee ku aadanaa in la qabto shir deg deg ah oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamul Goboleedyada,kaasoo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka qaranka.

Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya uu soo saaray qoraal uu ku baaqayo in la qabto shir ay doorashada uga tashanayaan Madaxda Dowaldda & Maamul Goboleedyada,hayeeshee qoraalkaas uu kasoo horjeestay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here