DHAGEYSO:Xeer ilaalinta Puntland oo ka hadashay dad lagu xidhay Magaalada Boosaaso.

Masuuliyiinta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay dad lagu xiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe kuwaasoo Puntladn eedaymo u jeedisay.
Xeer ilaaliyaha guud ee maamul goboleedka Puntlanda Max’uud Xasan Ow Cusmaan oo Warbaahinta la hadlay aya sheegay in shaqsiyaadkaasi ay ku xad gudbeen sharciga u degsan Puntland,isla markaana ay yihiin dad la tuhunsan yahay oo Maxkamadu ay xirtay.
Wuxuu sheegay inaysan jirin cid aam sharciga ahayn oo dadkaas soo fasixi karta ayna marayaan waxa uu Ku tilmaamay miisaan sharci ah.

 

Dadka la xiray oo tiradoodu gaarayso ilaa sadex qof ayaa ka mid ah gudiga dhisaya bartamaha magaalada Boosaao maamulka Puntland ayaa la sheegay inay sababta ay dadkaas u xireen tahay kadib markii ay soo gaadhay lacag ay dowlada dhexe ka timid oo lagu dhisayay wadada bartamaha Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here