DHAGEYSO:Xeer ilaalinta Soomaaliya oo digniin u diray Maamulada degmaaoyinka banaadir

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo fal dambiyeed la sheegay inuu ka dhacay saldhigga Cusboole ee degmada Deyniile.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxmuud ayaa gaaray maanta Dayniile gaar ahaan Saldhigga lagu Magacaabo Cusboole oo la sheegay in Shaqsiyaad gaar ah ay gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabasho ay ka timid dad Shacab ah oo kunool degmada Dayniile.
Waxaa uu sheegay in Saldhigaasi awood gaar ah ay maamulan jirtay, islamarkaana hadda lagu wareejiyay Ciidamo boolis ah.
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo fal dambiyeed la sheegay inuu ka dhacay saldhigga Cusboole ee degmada Deyniile.
Dhawaan ayay aheyd Markii baraha bulshadda uu qabsaday Muuqaal laga soo duubay Saldhigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here