DHAGEYSO:Xeer ilaaliyaha guud oo baaq ka soo saaray muranka dakhliga

130

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka , Paul Kihara Kariuki ayaa aqalka sare kula taliyay inuu wada tashi la sameeyo baarlamaanka si meesha looga saaro muranka u dhexeya labada dhinac ee ku aaddan qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dakhliga qaran ee dalka soo galo.
Mr. Kariuki ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasiyiinta labada dhinac laga doonayo inay heshiiyaan si ay u sii socoto bixinta adeegyada loo fidiyo shacabka ku nool ismaamulada kala duwan.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo uu hakad ku yimid howlaha dowlad deegaanada qaar dhaqaale yari awgeed.
Barasaabka ismaamulka galbeedka Pokot Prof. John Lonyagapuo ayaa dhankiisa ku baaqay in xal waara laga gaaro arrinkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here