DHAGEYSO:Xeer Ilaaliyaha Jubbaland oo digniin soo saaray

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Soo saaray Digniin ku socota hay’adda amaanka oo la xiriirta dadka Sabab la’aanta Xabsiyada loogu Taxaabayo wuxuuna sheegay inaysan Jiri doonin hadda kaddb cid laga ogolaanayo inay Muwaadin Xiraan ayadoon u haysan Cadaymo ay u Cuskan karaan Xarigiisa.
Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha Jubaland in qofka Marka la Xirayo ay tahay in loo haysto Dacwad lagu soo oogay oo qeexaysa Danbiga uu Galay ama lagu Tuhunsan yahay inuu falkaas ku lug leeyahay.
Wuxuu ka dalbaday Ciidanka Booliska iyo Hay’adda Dambi baaristaba inay qofkasta oo ay Soo xirayaan ay keenaan Cadaymaha Muujinaya eeda loo haysto ama ay ku soo xiraan Waaran Maxkamadeed hadii kale ay ayaga qudhoodo Wajihi karaan Ciqaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here