DHAGEYSO:Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo digniin u diray masuuliyiinta dowladda

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamad Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa digniin adag u diray masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay digniintaan si gaar ah ugu Socoto agaasinka Maaliyadda Soomaaliya kuwaasoo laga doonayay inay si aad ah uga taxadaraan lacagaha ay doonayaan inay ka bixiyaan Akoonada Dowladda islamarkaana ay ka fogaadaan inay saxiixaan dhaqaale aysan ogayn sababta loo bixinayo iyo waxa lagu bixinayo.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa ku booriyay dhamaan Agaasinka Maaliyadda inay si weyn uga fiirsadaan amarrada ay siinayaan Masuuliyiinta iyaga ka saraysa cidkasta oo doonaysa inay lacago la baxdana laga reebo qoraalka iyo saxiixa si ha dhow Masuuliyadda arrintaas uu qofkaasi u qaato, hadii aysan sidaas Samaynin iyaga lagula Xisaabtamayo Khaladadkii Maaliyadeed ee dhaca.

Digniintaan uu soo saaray Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranak Soomaaliya ayaa waxay ku soo aadaysaa xili uu dalka Soomaaliya galayo Marxalad Kala guur ah sidoo kalena toddobaadyadii la soo dhaafay Xukuno kala duwan oo Ganaax iyo Xabsi isugu jira lagu riday Masuuliyiin dowladda ka tirsanaa oo lala xiriiriyay falal Musuqmaasuq ah, Xatooyo Xoolo dadweyne iyo ku takrifal awoodeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here