DHAGEYSO:Xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Soomaaliya oo sheegay in la siyaasadeeyay dhismaha garsoorka

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inuu dalka Soomaaliya aad muhiim ugu yahay dhismaha Golaha Adeega Garsoorka si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo go’aan ka gaari karta wax kasta oo muran ka dhasha arimaha dhanka siyaasada ah.
Axmed Cali Daahir oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay in dalka Soomaaliya dad badan ay ka caga jidayaan in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka,ayan mas’uul ka yihiin Madaxda Dowladda labadooda gole ee xeer dajinta iyo Fuinta oo laga doonayo inay soo dhisaan golaha adeega garsoorka qaranka.
Waxaa uu Tilmaamay in dhamaan waxyaabaha muhiimka u ah dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, Sida Hay’adihii kamid noqon lahaa, Qareenada la soo xuli lahaa iyo Bulshada rayidka ay in badan oo ka mid ah hada diyaarsan yihiin oo ay shaqaynayaan ,hayeeshee la siyaasadeeyay.
Ugu dambeyn xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka oo dalka muhiim u ah si loo helo ama loo sameeyo Maxkamad Dastuuri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here