DHAGEYSO:Xiisadiii gobolka Hiiraan oo xal laga gaadhay.

Waxaa ugu danbayntii xal laga gaaray khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare talaabadaasi oo sababtay in mudo hal bil ah aysan wax Shaqo ah ka socon xarumaha Maamulka gobolka Hiiraan.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Maamulka Hir-Shabeelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ku howlanaa mudooyinkii la soo dhaafay xalinta xiisadaas,waxana ugu dambeyn lagu guuleystay in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan uu ogolaaday xil wareejinta sidoo kalena gudoomiyaha cusub oo shaqooyinkiisa bilaabo.
Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa shalay la wareegay Xarumaha Maamulka oo ay ka Shaqa bilaabeen, isaga iyo kuxigeenadiisa, kadib wadahadallo maalmo badan qaatay oo ka socday Magalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Xalay ayaa waxaa magaalada Baladweyne kulan ku yeeshay Gudodomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo guddoomiyaha Cusub ee dhawaan la soo magacaabay Cali Muxumuud Caraale, iyagoo halkaasi ka sheegay in la dhameeyay waxyaabihii sababay in xilka uu wareejin waayo Yuusuf Dabageed dhawaana ay xil wareejintu dhacayso.
Gudoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa sheegay in xaalada Magalada Baladweyne ay tahay mid degan,isla markaana ay sirasmi ah Xarunta Maamulka uga bilaabeen Shaqooyinkoodii.
Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Maamulka ayaa sheegay in markii ugu horeysay inka badan Bil ay hada ku sugan yihiin Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka G/Hiiraan, isla markaana Shacabka ay u furan yihiin inay xafiisyada ka soo doontaan adeegyada ay uga baahan yihiin.
Waxaa uu dhinaca kale soo hadal qaaday khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii gudoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), waxaana uu sheegay in xilka uu yahay meerto qofna laga qaadi karo ku kalena loo dhiibi karo.

xalinta xiisadii ka taagnayd maamulka Gobolka Hiiraaan ee ka dhalatay Xilka Qaadistii gudoomiyihii hore ee gobolkaasi Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Baladweyne ayadoo sheegay inuu khilaafkaas saamayn weyn ku yeeshay mudadii uu jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here