DHAGEYSO:Xildhibaan bogaadiyay Talaabadii ay qaadeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay talaabada golaha wakiilada ee Maamulka Koofur galbeed ay isugu jaangooyeen xilliga doorasha Madaxweynaha Maamulkaas iyo tan Baarlamaanka maadaama markii hore ay u dhexayn jirtay mudo Hal Sano ah.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa shalay ka Horgeeyay mooshin dhigayay in muda Xil Haynta Madaxweynaha loogu daro Hal Sano si isku mar Baarlamaanka iyo Madaxweynaha loo doorto waxayn cod Gacantaag ah ku ogolaadeen Soo jeedintaas ayadoo hada uu talaabadaas soo dhaweeyay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan baarlamaanka Fedraalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen goobo lagu Karaantiilayo dadka xanuunka Corona looga shakiyo.
Wasiirka caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa shacabka ka dalbaday inay qaataan talooyinka Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here