DHAGEYSO:Xildhibaan Ciyaar Jecel “Maqaamka Muqdisho inta ka dhiman Waan dhamaystiraynaa”

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa isagoo Ka hadlayay Maqaamka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya wuxuu sheegay inaan wali la dhamaystirin xaquuqdii Muqdisho ay mudan tahay balse Xubnaha ay ku yeelatay Golaha aqalka Sare Dowladda dhexe ay tahay Talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.
Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay oo iyagoo Boqol gaarayay Bilaabay Olole lagu raadinayay Matalaada dadka ku nool gobolka Banaadir iyo Maqaamka gaarka ah ee ay Caasimaddu mudan tahay markii la meelmariyay 13 xubnood ee Muqdisho ugu jira aqalka sare uu si weyn u soo dhaweeyay.
Ugu dambayntii Xildhibaan Cabdi Shire wuxuu Xusay inuu Kalsooni buuxda ku qabo Hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir uuna ka rajaynayo inuu raadin doono Maqaamka gaarka ah ee Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here