DHAGEYSO:Xildhibaan eedaymo ujeediyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya kana Tirsan siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu Afar Maalin kadib ka baxay heshiis ay la galeen.
Waxaa uu sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Hogaamiyeyaashii Hore ay ku yeesheen Villa Somalia ay balantu aheyd inaan la siyaasadeyn Ciidamada Qaranka,hayeeshee taasi laga baxay siduu hadalkiisa u dhigay,isla markaana Ciidamada dowladda loo adeegsaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka sida uu ka hor sheegay kulanka Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdi fitaax Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale codsaday in kulanka Baarlamaanka ee Talaadada Maanta ah oo ay hor imaanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska lagu soo daro Taliyaha hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin,isla markaana Baarlamaanka hortiisa su’aalo lagu weeydiiyo.

 

Hadalka Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa daba socday,kadib markii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay kulankii Baarlamaanka ka sheegtay in ayadoo doonaysay inay Garoonka Aadan-Cadde ay ka dhoofto ay u diideen Ciidamo katirsan Nabadsugida Soomaaliya,xilli ay ku wajahneyd degmada luuq ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here