DHAGEYSO:Xildhibaan ka hadlay sababta looga walwalsan yahay doorashada Soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay in XIligaan Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Xubno kamid ah Beesha Caalamka ay muujiyaan walaac ay ka qabaan doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Bisha sideedaad ee sanadkaan uu qorsuhu ahaa in la bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Bisha December ee isla sanadkaan la soo geba-gabeeyo doorashada Xildhibaannada,hayeeshee taasi aysan u muuqaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in Madaxda Dowladda Federaalka aysan u muuqan kuwa doonaya inay qabtaan doorashada sida uu hadalkiisa,isla markaana taasi ay walaac ku abuurtay xildhibaannada qaar iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ay horay u balan qaadeen doorasho waqtigeeda ku dhacdo balse ay iyaga hada u muuqato in taasi ay mugdi gashay,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay inay si deg deg ah doorashada waqtigeeda ugu qabtaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, Siyaasiyiinta mucaaradka iyo xubno kamid ah Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dalka Soomaaliya ka qabsoonta walow madaxda Sare ee dowladda Fedraalka Soomaaliya ay sheegeen inaysan muddo kororsi sameyn doonin sidoo kalena ay doorashadu ku dhacayso Xiligii loo qorsheeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here