DHAGEYSO:Xildhibaan Su’aalo uu Waydiiyay Hogaamiye maamul goboleed Dacwad ku mutaystay.

Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah wuxuu Baarlamaanka Maamulkaasi u diray warqad dacwo ah oo uu kaga codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad,oo dhawaan su’aalo adag weeydiiyey Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi deni.
Xeer ilaalinta Puntland ayaa Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas ka dalbatay inay u ogolaadaan in Xildhibaanka lagu soo oogo dacwad.
Xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa 26-kii Bishaan oo ah Maalinkii uu furmay Kal-fadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland waxa uu Madaxweyne Deni weeydiiyey su’aal aheyd in amnidarro weyn ay ka jirto Magaalooyin kamid ah Maamulka Puntland lagana qanuudo Masaajidyada.
Warqada loo diray Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo uu ku saxiixan yahay Xeer Ilaaliye kuxigeenka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka uu ku xadgudubay sharuucda dalka u yaala, isla markaana uu ka dhawaajiyey hadalo ay tahay in dacwad xoog leh lagu soo oogo,Sida ay sheegayso Xeer ilaalinta maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here