DHAGEYSO:Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo kulan ku leh Dhuusamareeb iyo dood ka taagan ajandayaasha looga hadli doono

Mid ka mid ah fadhiyada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta xldhibaanadu ku leeyihiin caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb.
Kulankan oo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal uu xildhibaanada ku ogeeysiiyey fariin loo diray mudanayaasha ayaa lagu sheegay in kulanka looga doodi doono qaar ka mid ah qodobo dood badan ka dhex abuuray gudoonka iyo xildhibaanada.
Ka doodista wakhtiga dhicitaanka kaarka aqoonsiga xildhibaanada ayaa ka mid ah waxyaabaha looga hadli doono kulanka arrintaas oo mudanayaashu inta badan ay ka biyo diidsan yihiin
xildhibaan Cabdullaahi Suleymaan Maxamed oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug ayaa inoo sheegay in kulanka ay tegi doonaan xildhibaanada isla markaana laga hadli doono ajandayaasha la soo gudbiyey oo la soo af jari doono khilaafkii ka dhex jiray xildhibaanada iyo guddoonka

Sida aya sheegayaan wararka ka imaanaya caasimadda Galmudug guddoomyaha ayaa dalbaday in ciidamad booliiska gaarka u tababaran ee haramacad ay la wareegaan amaanka xaruunta baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here