DHAGEYSO:Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo lagu dhawaaqay

Guddiga farsamada iyo dhismaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaasoo xulistooda maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay deegaanada Maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Xubnood, oo u badan Dhalinyaro, ayaa waxaa soo xulay Odayaasha Dhaqanka ee degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxaay isugu jiraan kuwo horay uga tirsanaa Baarlamaankii koobaad ee Hir-Shabeelle iyo kuwo ku cusub Siyaasadda, oo ka soo dhex-muuqday liiska Xildhibaannada Labaad ee Hirshabeelle
Ku dhawaaqista liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaay kusoo aadeeysaa xilli weli aan heshiis buuxda laga gaarin muranka kajira dhanka awood qeybsiga Beelaha degan deegaanada Hirshabeelle ee Madaxda ugu sarraysa Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here