DHAGEYSO:Xildhibaanada Koofonfur Galbeed oo lagu sameeyay Baaritaano

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu bilaabo baaritaan la xiriira Cudurka Coronavirus,xilli Xildhibaannada ay isku diyaarinayeen inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi
Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa Maanta hoolka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Magaalada baydhabo waxaay ka bilaabeen baaritaan la xiriira Corona virus,iyagoo baaraya Xildhibaannada galaya Hoolka ee dhageysanaya khudbadaha musharixiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed.
Muuqaalo iyo Sawiro lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa muujinayey Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo baaritaan Caafimaad lagu sameynayo,iyadoo xubnaha ka socda wasaaradda Caafimadka ay Xildhibaannada u sheegayeen hadalo ay ku raali gelinayaan uga dalbanayaan inay baaritaanka ay ka ogolaadaan.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah waxay u qaadayaan tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurka COVID 19 oo dad ay ugu dhinteen kuwo kalena la jiifaan qaar kamid ah wadamada Caalamka Soomaaliyana laga Xaqiijiyay Ilaa sadex qof oo xanuunkaas qaba.
Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaay kulan ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Baydhabo,waxaana ajandahoodu ahaa dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi.
95-ta Mudane ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa kulankii Maanta waxayna dhageysteen khudbadaha musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.
Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ah Shan Musharax kuwasoo Maanta jeediyey khudbadahooda musharaxnimo.
Labo Xubnood ayaa u taagan gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxayna kala Yihiin Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur
Sidoo kale waxaa gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa waxaa iyagan u taagan labo Xubnood oo kale ah Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow Tahay Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah xubnaha musharaxiinta xilka Gudoonka Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa baarlamaanka ka codsaday inay cododkooda siiyaan waxayna baarlamaanka u sharaxeen waxyaabaha ay qaban doonaan.

Maalinta Berito ah oo ku beegan 1-da Bisha Apriil ayaa la filayaa in ay Magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here