DHAGEYSO:Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la soo xulayo

Guddiga Madaxa banaan ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Baarlamaanka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa bilaabay kulamo ay uga arinsanayaan howlahooda ku saabsanaa sidii lagu soo xuli lahaa Xildhibaannada Cusub ee maamulkaasi.
Guddigaan oo uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaay kulamo kala duwan la qaateen Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Guddoomiyaha Guddiga xulista Baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed Maxamed Keerow ayaa sheegay in Guddiga ay u kala qeybiyeen Saddex qeybood oo kala ah,Xubno qabilsan xalinta khilaafaadka,Xubno qaabilsan dhinaca Maaliyadda iyo fududeynta wixii loo baahdo iyo kuwo diyaarinaya Xubnaha la soo xulayo,isla markaana diiwaan gelinaya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay si KMG ah u diyaariyeen xeerkii uu Guddigu ku Shaqeyn lahaa si ay u fududaadaan howlaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Maamulka koonfur Galbeed uu yeelanayo.

Horaanta Bisha Maarso ee sanadkaan 2020 ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo howlaha xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed Soomaaliya,iyadoo Magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee xorta ah ay ka socdaan kulamo ku saabsan xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo marayay wadada u dhaxeysa deegaanka Deeynuunaay iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal in ka badan Saacad socdey, oo khasaaro kala duwan uu kasoo gaarey dhinacyada dagaalamay.
Wararka saaka laga helayo inta u dhexaysa deegaanka Daynuunaay iyo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inu ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsan ciidanka koonfur Galbeed sidoo kalena ay dhawacyo jiraan,waxayna Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka laga helayo wadada xiriirisa degmada Deeynuunaay iyo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Koonfur Galbeed ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here