DHAGEYSO:Xildhibaanada Soomaaliya oo Maanta Dood adag yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa inay maalintii labaad oo xiriir ah kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada ayaa kulanka Maanta waxaay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka Xeerka xaqiijinta Qoondada haweenka oo ka doodiisa ay shalay bilaabeen Xildhibaannada Soomaaliya.
Xildhibaan Xasan Cabdi Cismaan (Xasan yare) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa ku eedeeyey Guddiga diyaarinta xeerarka doorashada inay kuraas kamid ah Golaha Shacabka ka rareen deegaan doorashadooda oo ay deegaano kale u wareejiyeen sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Golaha Shacabka in la kala saaro qoondada ay haweenka ku leeyihiin Golaha Shacabka iyo kuraaska ay ragga kaga guuleysteen,hadii aan taasi laga hortegina ay dhibaato keeni karto.

Xildhibaannada Haweenka ah ee haatan ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtidii shalay ahayd waxaaay si weyn uga doodeen ajandaha la xiriira xaqiijinta qoondad haweenka ee Baarlamaanka ay ku yeelanayaan doorashada soo socota, iyaga oo qaarkood Guddoonka u gudbiyay mooshin ah in Haweenka loo daayo kuraastooda si ay iyaga kaliya ugu tartamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here