DHAGEYSO:Xildhibaanadda deegaanka Malindi Aisha Juma oo habeenkii labaad xabsiga ku jirta

Xildhibaanaddda laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Malindi ee ismaamulka Kilifi Aisha Jumwa iyo afar qof oo kale ayaa habeenkii labaad xabsiga ku jira ka dib markii shalay la xiray.
Tallaabada lagu xiray dadkan ayaa timid kaddib markii hal qof lagu dilay deegaan hoose oo Kilifi ku yaalla.
Xariga xildhibaanadda ayaa ka dambeeyay toogasho loo gaystay adeerka musharaxa doorashada ku celiska ee deegaanka hoose ee Ganda Ruben Katana .
Aisha Jumwa ayaa sheegtay inay halkaasi tagtay si ay u joojiso kulan ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Taliyaha booliska ee deegaanka Malindi Philip Wambugu ayay ku eedeysay inuunan qaadain tallaabo degdeg ah oo lagu kala dirayo dadka isku soo baxay.
Hasa ahaate waxaa meesha ka dhashay qalalaase sababay in toogasho dhacday hal qof uu ku dhinto.
Dhacdadan ayaa waxaa cambaareeyay gudoomiyaha Kilifi Amason Jeffah Kingi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jublee ayaa iyaguna dhankooda cambaareeyay xariga xildhibaanada Aisha Juma.

 

Berri oo khamiis ah ayaa lagu wadaa inay doorasho ku celis ah ka dhacdo deegaanada hoose ee Ganda ee Kilifi iyo Abaqeyle oo ka tirsan Dadaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here