DHAGEYSO:Xildhibaanadda Malindi oo maxkamad la soo taagaya

Caaisha Jumwa oo baarlamaanka ku matasho deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi gobolka xeebta ee dalka ayaa lagu wadaa inay maanta ka soo hormuuqato maxkamad ku taalla Mombasa.
Saraakiisha ammaanka ayaa shalay haweeneydan su’aalo weydiiyay.
Xildhibaanadda iyo eedeysanayaal kale ayaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 57 milyan oo shilin oo qayb ka ahayd lacagta sanduuqa horumarinta deegaanka Malindi.
Maalinkii Jimcaha ayaa 6-da eedeysane ee kale la soo taagay maxkamadda Mombasa waxayna iska fogeyeen 13 dacwadood oo lagu soo oogay.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku siidaysay min 5 milyan oo damaanad lacageed ah.
Xildhibaanadda oo aan maalinkaa maxkamadda tagin ayay ciidamada ammaanka ku amreen inay isa soo dhiibto ka hor maanta oo isniin ah.
Galinkii dambe ee shalay ayay tagtay saldhigga booliska ee dekadda Mombasa waxayna halkaas ku sugneyd hal saac iyadoo ay wehelinayeen xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali iyo Senatarkii hore ee Mombasa Xasan Cumar.
Waxaa soo baxay warar sheegaya in xildhibaanadda gacanta lagu dhigay balse waa ay beenisay waxayna sido kale caddeysay in maalmihii la soo dhaafay aynan dhuumaaleysi ku jirin sida ay sheegeen ciidamada dacwad soo oogidda.
Mrs. Jumwa ayaa sheegtay in su’aalo laga weydiiyay oo keliya eedeymaha loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here