DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo xil cusub loo magacaabay

Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa kaddib shir uu maanta ku yeeshay xarunta caalamiga ee shirarka ee KICC magaaladatani Nairobi waxaa uu xilka xoghayaha isku xiraya siyaasiyiinta Jubilee ee baarlamaanka iyo aqalka sare u magacaabay mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan weheliye oo dareenkiisa sidatan u muujiyay

Jagadaan ayaa waxaa hayay mudanaha deegaanka Kipipiri ee ismaamulka Nyandarua Amos Muhinga Kimunya oo maanta laga dhigay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka.
Tallaabada xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka looga wareejiyay Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa sido kale ka hadlay mudanaha deegaanka Faafi Cabdikariim Cismaan iyo dhigiisa Lagdera Maxamad Hire.

Aaden Barre Ducaale ayaa weli sii ahaanaya xildhibaanka deegaanka laga soo doortay ee Garissa Township wuxuuna lumiyay oo keliya hoggaamintii Jubilee ee golaha sharci dejinta.
Isbeddelkan maanta dhacay waxaa ka sii horeeyay mid saameeyay senetarrada ismaamullada Elgeyo Marakwet iyo Nakuru ee kala ah Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dalka ee State House ayaa lagu sheegay in kulanka maanta uu sido kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju iyo 174 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee Jubilee ka tirsan.
Qoraalka ayaa tilmaamaya in isbeddelladan 25-ka bishan oo khamiista ku beegan lagu wargelin doono guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa mudanayaasha xusuusiyay inay diiradda saaraan ajeendaha horumarineed ee dowladda oo aynan ku mashquulin siyaasadda kala qeybinta ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here