DHAGEYSO:Xildhibaanka deegaanka Garissa Township oo si adag uga hadlay waxbarashada W/Q

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township , Aadan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay natiijo xumada ku soo noqnoqotay dugsiyada gobolka waqooyi bari.
Ducaale ayaa ku nuuxnuuxsaday inaynan suurtagal ahayn in iyadoo dhaqaale badan la geliyay xoojinta kaabayaasha waxbarashada haddana in ardayda ay intooda badan imtixaanada qaran ka soo hooyaan natiijo hoose isagoo dhanka kale sheegay in macallinkii aan waajibaadka saaran sida habboon uga soo bixin , dugsiga uu maamulaha ka yahay ama wax ka dhigo laga wareejinayo.
Sido kale waxaa uu xusay in la doonayo in dabagal lagu sameeyo sababta keenta in ardayda ay natiijo wanaagsan ka helaan imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da balse marka ay u gudbaan dugsiyada sare , xaaladda ay is beddesho.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha dugsiyada , wasaaradda waxbarashada , guddiga adeegga barayaasha ee TSC iyo siyaasiyiinta la soo doortay laga doonayo inay iska kaashadaan sidii xal waara loogu heli lahaa natiijada hooseysa ee ardayda gobolka.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa qoraal uu daqiiqado ka hor soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inuu maanta kulan la qaatay ardaydii sannadkii tagay kaalimaha wanaagsan ka galay natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee deegaanka laga soo doortay.
Ardayda ayuu u hambalyeeyay xildhibaanka wuxuuna dhanka kale u muujiyay sida ay kaga go’an tahay ka shaqeynta sidii ay ugu biiri lahaayeen jaamacadaha ugu wanaagsan ee dalka iyo dibadda.
Aadan Barre Ducaale ayaa horay kulan uu ku tilmaamay mid wax u tar u leh bulshada la qaatay in ka badan 80 ah maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee deegaanka Garissa.
Maamulayaashan ayaa ka soo kala jeedo dugsiyada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa uu xusay in isku cel celis ahaan dugsiyada hoose dhexe ee deegaankaas ay sannadkii la soo dhaafay imtixaanka fasalka sideedaad ee KCPE-da ka soo hooyeen buundo dhan 299 taaso ah natiijo wanaagsan.
Mudanaha ayaa intaas ku daray in dugsiyada deegaanka Garissa Township badankoodu inay isku celcelis ahaan heleen buundo ka sarreysa 300 .
Sida uu qoraalkiisa muujinaya tani ayaa deegaanka ka dhigtay inuu soo saaro ilaa 85 ka mid ah 100 -kii arday ee ugu horreeyay gobolka.
Xildhibaanka ayaaa xusay in faaiido weyn laga dhaxlay adeegsiga lacagaha horumarinta deegaanka ee CDF-ta.
In ka badan 57 arday ah oo sannadkii la soo dhaafay KCPE-da ka helay natiijo dhan 280 ayaa la siiyay deeqda waxbarasho ee World Bank Elimu scholarship .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here