DHAGEYSO:Xildhibaanka Garissa Township oo doonaya in baarlamaanka uu u yeero madaxa guddiga TSC

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay macallimiinta aan u dhalan deegaanada gobolka waqooyi bari ee dhawaan halkaas laga soo qaaday.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada looga fadhiyo inuu u yeero madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Mrs. Nancy Macharia.
Sido kale waxaa uu xusay inaan laga hadli karin mideynta shacabka iyadoo sida uu hadalka u dhigay TSC iyo wasaaradda tacliinta ay iska kaashadeen in ilaa 1000 barayaal ah ay ka soo tagaan dowlad deegaankaas.
Aadan Barre Ducaale ayaa sido kale dalbaday in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai su’aalo laga weydiiyo caqabadda dhanka tacliinta ee ka jirta gobolka waqooyi bari taasoo loo aaneynayo amni darro.

Xildhibaanka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee wiilasha ee Boystown ee magaalada Garissa isagoo kulan la qaatay macallimiinta iyo waalidiinta si uu uga wareysto tallaabada uu qaaday guddiga TSC.
Kaddib weerarro ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka oo lagu dilay saddex macallin, ayay TSC soo wareejisay macallimiinta dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaanada kale ee dalka ee wax ka dhigayay dugsiyada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here