DHAGEYSO:Xildhibaanka Garissa Township oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa , Aadan Barre Ducaale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Minnesota oo ka tirsan Maraykanka.
Arrintan ayuu shaaca kaga qaaday qoraal uu soo dhigay baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga iyo Twitarka.
Ducaale ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen jaaliyadda soomaalida Kenya iyo geeska Afrika.
Waxaa lagu qaabilay xarunta golaha soomaalida Maraykanka oo ay hoggaamiyaan Dr. Maxamad Cali Abukar, ku xigeenkiisa Julianna Larsen iyo maamulaha barnaamijyada Nora Castaneda.
Mudanaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu fariin soo dhaweyn ah ka helay isku duwaha arrimaha qaxootiga ee gobolka Arizona ,Charles Shipman.
Waxaa uu xusay in dadka uu la kulmay ay dowladda Kenya kaga mahadceliyeen marti gelinta qaxootiga soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee mudanaha ku qaabilay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Minneapolis ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Adan Barre Ducaale oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here