DHAGEYSO:Xildhibaanka Kamukunji oo ka mahadceliyay tallaabada dib loogu furay xaafadda islii

xaafadda islii

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kamukunji ee magaaladatani Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay go’aankii uu ku dhawaaqay galinkii dambe ee shalay ee maanta dhaqangalay.
Mr. Kenyatta ayaa shalay shaaciyay inay dhammaatay mudadii lagu mamnuucay in la soo galo ama laga soo baxo xaafadaha islii ee Nairobi iyo Old Town oo ka tirsan Mombasa.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inay shacabka xaafadda ay afar toddobaad ku jireen xaalad adag oo caqabad ku noqotay.
Mr. Yuusuf ayaa dadweynaha ku nool xaafadda islii uga mahadceliyay dulqaadka ay muujiyeen wuxuuna xusay inuu rajeynayo in dhaqdhaqaaqa xaafadda uu sidii hore iyo si ka wanaagsan ku soo noqdo.
Mudanaha ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay in qof kasta uu kaalintiisa ka qaato ka hor tagga faafitaanka cudurka Covid-19 oo loo wada hoggaansamo talooyinka wasaaradda caafimaadka sida gacmaha dhaqashada joogtada ah , in la isticmaalo maaskarada sido kalena aan aad la isugu dhawaan oo labada qof ay isku jiraan ugu yaraan hal miitir iyo bar.
Yuusuf Xasan, xildhibaanka deegaanka Kamukunji oo ay xaafadda islii ka tirsan tahay ayaa xusay in hadii la is -kaashado laga guulaysan doono fayraska Corona.
Howlihii caadiga ahaa ee xaafadda islii ayaa maanta sidii hore ku soo noqday waxaana shaqeynaya baabuurta dadweynaha ee isku xiro xaafadda iyo bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Sido kale waxaa meesha laga saaray barkontoroolo ay ciidamada ammaanka adeegsanayeen tan iyo 6-dii bishii hore taasoo fududeysay isku socodka dadweynaha.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaaciyay tallaabooyin dheeraad ah oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa corona.
Bandowga habeenkii dalka ka jiro waxaa lagu kordhiyay 30 cisho oo dheeraad ah hasa ahaate waxaa uu billaaban doonaa 9-ka fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo.
Waxaa uu horay bandowga billaabanayay 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Sido kale waxaa meesha ka baxay amarkii lagu mamnuucay in la galo ama laga soo baxo ismaamullada Kwale iyo Kilifi ee gobolka xeebta kaddib markii faafitaanka caabuqa ee dowlad deegaanadaas la xakameeyay sida uu sheegay hoggaamiyaha dalka.
Hasa ahaate waxaa muddo 30 cisho lagu kordhiyay amarka ah inaan laga soo bixin sido kalena loo safrin ismaamullada Nairobi,Mombasa iyo Mandera
Wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha gudaha waxaa laga doonaya inay hal isbuuc gudihii soo dhisan gole -diimeed oo iskudhaf ah si uu uga shaqeeyo dib u afurka goobaha cibaadada.
Sido kale waxaa muddo 30 cisho oo dheeraad ah la mamnuucay isku imaatinka dadweynaha .
Wasaaradda tacliinta waxaa laga doonaya inay bartamaha bisha sideedaad soo bandhigto jadwal sannadeedka dugsiyada si loo furo bisha sagalaad.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu rajeynayay in xayiraadaha jiro la qaado balse kaddib markii uu la tashtay khuburrada caafimaadka ay u soo baxday in xaaladda aynan fududeyn oo hadii waxyaabo badan la fasaxo ay dhibaatooyin badan ka dhalan karaan
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay dulqaataan si looga adkaado cudurka.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ujeedada dowladda aynan ahayn in dadweynaha culeys dheeraad ah la saaro balse la xaqiijinaya badqabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here