DHAGEYSO:Xildhibaanka Kapsaret oo la geeyay saldhigga dhexe ee booliska ee Nakuru

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi oo saaka tagay saldhigga booliska ee Eldoret ayaa loo sii qaaday ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu hadda ku sugan yahay saldhigga dhexe ee booliska ee dowlad deegaankaas oo su’aalo lagu weydiinaya.
Xilli uu saaka booliska isku dhiibay ayaa waxaa wehelinayay siyaasiyiin ay ka mid yihiin wakiilka haweenka ee Uasin Gishu sido kalena qareenadiisa ka mid ah Gladys Boss Shollei ,Barasaabka Nandi Stephen Sangm , xildhibaanada kala ah Caleb Kositany,Didimus Baraza iyo Cornelly Serem .
Mudanaha ayaa sheegay inuu tagay saldhigga booliska ee Langas maadaama sida uu xusay uu sharciga u hoggaansamayo.
Booliska oo habeenkii sabtida ay soo galaysay iskudayay inay soo xiraan siyaasigan ayayna u suurtagalin kaddib markii ay dhalinyaro ka hor istaageen.
Mudanaha ayaa tallaabo aan loo baahneyn ku sheegay in ciidamo badan la geeyo gurigiisa.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilligii ay saraakiisha ammaanka gurigiisa tagayeen uusan halkaas ku sugnayn.
Oscar Sudi oo loo haysto inuu jeediyay hadalo aflagaado ah sido kalena kicin dadweyne keeni karo ayaa u mahadceliyay cid kasta oo garab istaag u muujisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here